Real Madrid oo xalay Xasuuqday Celtic

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xasuuq ay u geysatay Celtic oo ay dhax jiid-jiidday Santiago Bernabeu, waxaanay sidaas ku xaqiijisatay kaalinta koowaad ee Group F maadaama ay u baahnayd guul ay booskan ku xaqiijisato, waxaanay 5-1 ku karbaasheen kooxda reer Scotland.

Real Madrid ayaa laba rikoodhe loo dhigay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana kala qaatay Luka Modric iyo Rodrygo halka Celtic oo iyadana la siiyey rikoodhe qaybtii hore ay iska khasaariyeen.

Daqiiqaddii shanaad ee ciyaarta ayaa Real Madrid loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Luka Modric, kaddib markii kubbad uu Fede Valverde ku toogtay goolka oo gacan kaga dhacday Jenz uu qabtay garsooraha ciyaarta oo gabadh ahayd, waxaana uu Luka Modric si fudud ugu hubsaday goolka uu waardiyaha ka ahaa Joe Hart oo markii hore badbaadiyey kubadda uu ku toogtay Rodrygo.

Real Madrid oo weerar aan joogsi lahayn ku haysay goolka Celtic maadaama ay inta badan ciyaarta maamulaysay, ayaa waxay mar kale ku qasabtay O’Riley inuu gacan la tiigsado kubbadda, waxaana laga soo daawaday VAR oo muranka ka saartay rikoodhahan.

Rodrygo Goes ayaa si deggen usoo qaatay kubadda oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Hart sidii Luka Modric oo kale, waxaanu ciyaarta ka dhigay 2-0.

Ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada ayaa Celtic loo dhigay rikoodhe iyadoo 45kii daqiiqadood ee hore la qabtay saddex rikoodhe, waxaana rikoodhahan sababay Ferland Mendy oo xerada ganaaxa dhaxdeeda ku riday Abada.

Juranovic ayaa soo qaatay rikoodhan oo toogtay dhinaca midig ee goolhaye Courtois, waxaana uu goolhayaha Belgium raacay kubaddaas oo uu badbaadiyey, sidaas ayaanay qaybta hore ugu soo dhamaataya 2-0 ay Real Madrid la nasatay hoggaanka ciyaarta.

Los Blancos ayaa qaybtii labaad sii wadatay muquuninta Celtic, waxaanay la timid saddex gool oo ay kala dhaliyeen saddex ciyaartoy oo kala duwan. Dani Carvajal ayaa kubbad uu kasoo jabiyey dhinaca midig waxa xerada ganaaxa ka helay Marco Asensio oo lugta bidix ku dhamaystiray daqiiqaddii 51aad.

Toban daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu Vinicius Junior oo fursaod badan khasaariyey isku qoray diiwaanka goolasha oo uu dhamaystiray kubbad uu dhinaca midig ka keenay Valverde oo kaliya u baahnayd in shabaqa lagu leexiyo,

Carlo Ancelotti waxa uu intaas kaddib la baxay ciyaartoydiisa muhiimka ah qaarkood, isaga oo saaray Luka Modric, David Alaba, Dani Carvajal iyo Vinicius Junior, waxaana beddel ku yimid Karim Benzema oo kasoo laabtay dhaawac.

Dhamaadka ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Real Madrid sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka. Fede Valverde ayaa gantaal uu ka tuuray bannaanka xerada ganaaxa waxa uu ku hubsaday shabaqa iyadoo aanu goolhaye Hart xataa nuuxsanin, waxaanay ciyaartu noqotay 5-0.

Jota oo beddel ugu soo galay Celtic ayaa u saxeexay gool madi ah oo laad xor ah, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 5-1 ay guushu ku raacday Real Madrid.

Dhinaca kale, RB Leipzig ayaa iska xaadirisay wareegga 16ka kaddib markii ay 4-0 ku karbaashtay Shakhtar Donetsk waxaanay yeelatay 12 dhibcood, halka Real Madrid oo koowaad kusoo gudubtay ay 13 dhibcood xoogsatay. Shakhtar ayaa iyaduna 6 dhibcood ugula dhaadhacday Eurpa League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here