Labo Nin oo ka tirsan Al-Shabaab oo saaka Muqdisho lagu toogtay

Afar sano ka dib Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday maanta labo nin oo ka tirsan Al-Shabaab oo 2019-kii gaystay dilal  muda dheer ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed, 29, oo hore loogu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna dileen labo ka tirsan ciidamada amniga ayaa saaka toogasho lagula fuliyay school Boliisiya.

Cabdulle Axmed ayaa lagu helay inuu dilay Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada amniga bishii November 2019, halka Cumar Aadan Maxamed ayaa isna lagu helay inuu dilay Cabdullaahi Maxamed Hilowle bishii Oktoobar 2019.

Maxkamadda ayaa xukunkaas ku ridday labadooda bishii December 2020.

Dilka labadan nin ee ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa ka dhigaysa 10 nin oo ururka laga toogtay kuwaas oo loo haystay danbiyo dilal kala duwan ah islamarkaana loo gaysaty askar ka tirsan Ciidanka Dowlada iyo dad Shacab ah.

Sanadkasta waxaa la toogtaa rag badan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas gudaha dalka ka gaysto dilal qorshaysan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here