Kaka oo sheegay Ciyaaryahanka uu taageero Kubada Cagta

Kaka ayaa mar si lamid ah Ronaldo iyo Messi kamid ahaa xiddigaha ugu fiican dunida kubadda cagta halka uu sidoo kale afar sano Cristiano kala tiranaa Real Madrid kahor intuusan AC Milan ku laaban.

Si kastaba, Ricardo oo waraysi uu dhawaan siiyay wargeyska MARCA wax badan kaga hadlay ayaa ku sheegay in Neymar yahay xiddiga uu ugu jecel yahay wakhtigan kubadda cagta.

“Ma garanayo haddii ay tahay sababtoo ah in xidhiidh shaqsiyeed wanaagsani naga dhaxeeyo balse anigu waan jecelahay sida Neymar u ciyaaro” ayuu ugu horreynba yidhi Ricardo.

“Dabcan waan jecelahay inaan arko kuwo kale sida Mbappe, Messi, Cristiano amaba Vinicius balse waxaan ku adkaysanayaa Ney” ayuu yidhi Kaka oo xiddigo kalena xusayaa.

Halyeeyga kusoo guuleystay Ballon d’Or 2007 ayaa ahaa nooc gaar ah oo ciyaartoy, waxa uu isku darsaday awood gool-dhalineed iyo baasas uu ku kala dhantaali karo daafacyada kasoo horjeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here