Madaxwayne Xasan oo gaaray London si uu uga qayb galo aaska Elizabeth

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London halkaasi oo berri uu kaga qaybgeli doono aaska Elizabeth II.

Madaxda la filayo inay ka qeyb galaan waxaa ka mid ah madaxweyne Biden. Biden oo xalay gaaray London wuxuu ka mid yahay ilaa shan boqol oo madaxda dalalka adduunka ah iyo marti sharafeed kale oo la filayo inay munaasabadda ka qeyb galaan. waxaa sidoo kale ah London ku sugan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Hindiya.
Raysal wasaareyaasha Canada, Australia iyo New Zealand ayaa iyaguna ka mid ah madaxda ku sugan London.

Madaxweynaha ayaa ka duulay magaalada Washington DC oo uu ku sugnaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa la filayaa in duugta Queen Elzabeth II kadib uu kusoo laabto dalka Maraykanka, isaga oo imanaya magaalada New York oo uu kaga qaybgeli doonto shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Washington kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Maraykanka oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Gaashaandhigga, La-taliyaha Amniga Qaranka, iyo mas’uuliyiin kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here