Mulkiilaha kooxda Chelsea oo doonayo in uu Ronaldo yimaado

Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Todd Boehly ayaa doonaya inuu tababaraha kooxdiisa ee Thomas Tuchel ku khilaafo mid kamida qorshayaashooda suuqa xagaagan.

Boehly ayaa wali doonaya inuu Stamford Bridge kasoo dejiyo weeraryahanka Manchester United ee Cristiano Ronaldo kaas oo ay caddahay aragtidiisa ah inuu bixitaan ka doonayo kooxdiisa.

Man United ayaa xilli ciyaareedkii hore booska lixaad kaga dhammaysatay Premier League walow uu Ronaldo 18 gool kusoo dhaliyay 30 kulan oo horyaalka ah.

Chelsea ayaa kamid ahayd tiro kooxo ah oo saxeexa Ronaldo loosoo bandhigay balse waxa la fahamsan yahay in Tuchel diiday fursadaas.

Taas bedelkeeda Todd Boehly ayaa isagu taageere weyn u ah Ronaldo oo xilli dambe oo suuqa ah saxeexiisa u dhaqaaqi kara haddii aysan koox kale la wareegin.

Aragtidaas waxa qaba oo baahiyay Dean Jones oo ka hawlgala warbaahinta GiveMeSport waxaana uu yidhi “Isagu dhab ahaan wuxuu doonayaa inuu isku dayo oo dalab u gudbiyo haddii aysan cid kale dalban”.

Go’aanka bixitaan ee Ronaldo uu markii horeba ku wargeliyay Man United ayay sii adkaynayaan natiijooyinka xun xun ee ay ku bilawdeen xilli ciyaareedka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here