Aubameyang Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Hadii Uu Ku Laabto Premier League

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan adeega weeraryahanka Barcelona ee Pierre Aubameyang, kaasoo ku dhow inuu ka tago qalcadda Catalan.

Barcelona ayaa la soo saxiixatay Robert Lewandowski suuqa xagaagan taas oo albaabka u furtay suurtogalnimada uu Aubameyang uga tagi karo kooxda inta uuna xidhmin suuqa xagaagan.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Ingiriiska kasoo baxa ee Daily Mail, Aubameyang ayaa diidi doona inuu u dhaqaaqo Manchester United, waxaana uu doorbidayaa Chelsea haddii uu ka tago Blaugrana.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Chelsea ay bilowday inay u dhaqaaqdo fikradda ah inay heshiis la gasho Aubameyang iyadoo dooneysay inay lasoo saxiixato weeraryahan cusub si ay ugu buuxiso booska ay baneeyeen xiddigaha Lukaku iyo Werner.

Xiddiga reer Gabon Aubameyang ayaa doonaya in uu Tuchel kula midoobo Old Trafford kadib markii uu tababaraha kula soo shaqeeyay Dortmund.

Aubameyang ayaa dhaliyay 13 gool qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ee horyaalka La Liga kadib markii uu ku biiray Barcelona suuqii January ee la soo dhaafay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here