Afarta Xiddig Ee Xavi lama taab taanka Shaxdiisa Barcelona

Sida uu sheegayo saxafi Ashraf Ben Ayad oo aad ugu dhaw Barcelona, tababaraha kooxdaas ee Xavi Hernandez ayay jiraan afar xiddig oo uu u arko kuwa lama taabtaanka ka ah shaxdiisa.

Barcelona ayuu xilli ciyaareedkii hore ee 2021-22 ku ahaa mid adag oo ay waayeen horyaalka La Liga, wareega 16-ka kaga hadheen Copa Del Rey isla markaana heerka Group-ada ka gudbi waayeen Champions League.

Barca ayaa suuqa xagaagan samaysay is xoojin weyn iyadoo shan xiddig oo waaweyn lasoo wareegtay isla markaana doonaysa inay dhammaan koobabka ay qaybta ka tahay u tartanto xagaagan.

Sida uu sheegayo Ashraf Ben Ayad, afarta xiddig ee Xavi u arko kuwa lama taabtaanka ka ah shaxdiisa ayuu kaliya Robert Lewandowski kaga jiraa saxeexyada cusub.

Saddexda kale ayaa kala ah goolhaye Marc Andre Ter Stegen, daafaca dhexe ee Ronald Araujo iyo khadka dhexe ee Pedri halka Lewy isagu weerarka yahay.

Lewandowski ayaa heshiis 45 Milyan oo euro ah ugaga soo biiray Bayern Munich waxaana uu kulankiisii ugu horreeyay ee tartan ah ciyaaray midkii ay barbardhaca goolal la’aanta ah la galeen Rayo Vallecano.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here