Ronaldo oo Man United ka codsaday inay suuqa galaan

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ah dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah oo maamulka Kooxda ka dalbaday in ay sameeyaan saxiixyo cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Man United ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka premier League iyada oo laga badiyay labadii kulan ee ay ciyaartay ilaa haatan.

Qaar ka mid ah xiddigaha kooxda 1-aad ee Ronaldo, Bruno Fernandes, Harry Maguire, Luke Shaw & Marcus Rashford ayaa ka mid ah xiddigaha sida tooska ah ugu tagay maamulka kooxda.

Xiddigaha kor ku xusan ayaa maamulka u sheegay in ay doonayaan in ay kooxdu u baahantahay saxiixyo cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Man United ayaa si weyn ugu dhibaatootay suuqa kala iibsiga iyaga oo aan samayn saxiixyada uu Erik u baahanyahay si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here