premier League: Shaxdii ugu wanaagsaneed ee Isbucaan oo la shaaciyay

Waxa la soo afjaray todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedkan iyada oo durba horyaalku xiiso dheeraad ah yeelanayo.

Kooxaha Man City iyo Arsenal ayaa sii wada wcadarihii ay ku bilowdeen horyaalka premier League iyaga oo gaadhay guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah isla markaas ah labada kooxood ee badiyay labadii klan ee ay ciyaareen.

Dhinaca kale kooxaha Tottenham iyo Chelsea oo iyagu wada ciyaaray todobaadkan ayaa isku bar-bar kufay isla markaas qaybsaday dhibcihii kulankii ka dhaca Stamford Bridge.

Xaalka Man United ayaa maraya meeshii ugu xumayd kadib markii guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah dusha loo saaray kadib markii ay Brentford xasuuq aan caadi ahayn kula kacday.

Liverpool ayaa dhinaceeda kulankii 2-aad oo xidhiidh ah bar-baro gashay kadib markii ay Crystal Palace ku dhaafi wayday garoonkeeda Anfield.

Hadaba kadib kulamadii todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadkaa premier League.

Kooxaha Arsenal, chelsea iyo Brentford ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 2 xiddig kadib guulihii ay gaadheen.

Dhinaca kale kooxaha Man City, Liverpool, Newcastle, Aston Villa iyo Leeds United ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here