Chelsea oo ku guulaysatay wada hadal u socday Wesley Fofana

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshiis la gaadhay difaaca reer France ee Wesley Fofana oo uu tababare Thomas Tuchel si weyn u doonayay si uu ugu xoojiyo difaaciisa dhexe oo ay xagaagan ka tageen Antonio Rudiger iyo Andreas Christentensen, isla markaana uu kaliya kusoo kordhiyey Kalidou Koulibaly.

Chelsea ayaa laba dalab oo ay hore uga gudbisay Wesley Fofana ay soo diidday Leicester City oo saluugsan lacagta ay Chelsea ku doonayso, hase yeeshee waxa Blues ay markii saddexaad sare u qaadaysaa lacagta iyadoo dhinaca kalena horumar ka samaysay wada-hadallo gaar ah oo ay kula jirtay laacibkan.

Sida uu xaqiijiyey wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, Chelsea ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay Wesley Fofana oo ay kula jirtay wada-hadallo ay ku doonaysay inay kula meel-dhigto mushaharkiisa iyo tirada sannadaha uu u saxeexayo.

Lama sheegin mushaharka uu ogolaaday laacibkan iyo haddiiba ay isla meel dhigeen waqti, hase yeeshee waxa wali dhiman oo ay Chelsea hadda u jeedsanaysaa dhinaca Leicester City oo ay kala hadli doono qiimaha isla markaana ay dalabkii saddexaad gaadhsiin doono.

Leciester City ayaa dalbanaysa 85 milyan oo Euro oo ah lacagtii ay sannadkii 2019 ku iibisay Harry Maguire, hase yeeshee Blues ayaa la shir tagtay 70 milyan oo Euro oo ay saluugtay Foxes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here