Xirfadahaan baro si aad nolashaada u badashid

Waxaa suurtagal ah in aad iskuul dhigan yaraantada islamarkaana aad qalbiga gashatid in aadan gaari Karin hadaf wanaagsan, hadaba waxaa rabaa inaa kula wadaago adigo iskuul dhigan jaamacadna waligaa aadin ina nolasha ka gaartid heer sare waliba aad noqotid qof isku filan.

Maanta waxaa jiro interneet ku baahay dunida oo dhan islamarkaana kaa caawinayo adigo gurigaga joogo ina wax baratay waliba mudo gaaban ilaa 4,bilood 5,bilood iyadoo aad baraneesid xirfad waxaana halkaan kula wadagayaa xirdaha ku anfici doono.

  1. Waqtiga ilaali waqtiga waa waxa ugu qaalisan ee aan haysano bini’aadanka oo dhan wexe ka simanyihiin inay haystaan mudo 24, saac ah tusaale hadii aad maalinkasta 40,daqiiqo aad joogteeso ina baratid luuqad waxaa aad faa’idi doontaa wax badan.
  2. Bilow ganacsi inta aadan bilaabin ganacsiga marka hore so indha indhee ganacsiga aad rabtid inaa bilowdid adigo fiirinayo baahida ay bulshada u qabto, ka dibna ku dhaqaaq ina bilowdid ganacsigaas.
  3. Baro sida lo sameeyo logo desing adigo aadi karo iskuul lagu barto ama internet-ka ka baro manta waxaa jiro dhalinyaro badan oo Soomaali iyo Ajaanib ah oo soo galiyo sida loo sameeyo logo.
  4. Baro luuqada englisk-ka ah taas oo kaa caawinayso ina online-ka kaga shaqeesatid islamarkaana aad lacag badan ka samayn kartid, tusaale waxaa jiro webseedyo u baahan dad yaqaano labo luuqad islamarkaana iskugu turjumo iyago sacadii ku bixinaayo ilaa 30 dolar ilaa 50 dolar.
  5. Baro sida loo dhiso webside-yada waxaana internet-ka ku jiro shirkado doonayo in loo sameeyo websaydyo qurux badan oo ay ku soo bandhigaan alaabaha ay hayaan taas oo aad ka samayn kartid lacag badan.
  6. Baro sida jaanel ama webside loo samaysto islamarkaana aad ku soo bandhigtid wax yaabaha aad hibada u leedahay tusaale hadii aad dadka uga faa’ideen karid barashada Quraanka kariimka furo jaanal aad dadka ku bartid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here