6 Xirfadood oo muhiim ah ina yeelatid

Mowduuceena waxaa diirada ku saari doonaa 6, xirfadooda oo ay dad aad u jecelyihiin balse inta badan aysan gaarin yoolka saxda ah ee xirfadahaan, ina xirfad yeelatid waa lagama maarmaan sababto ah wey ku anfici maalin.

1.Xirfada kowaad waa wada hadalka ina baratid xirfadaan wexe kaa cawinaysaa ina lamacaamishid dadka ganacsiga idin ka dhaxeeya ama gorgortanka tusaale waxaa macquul ah in qof badeeca uu gadayo uu ku dhamaysto mudo yar taas oo u samaxeeso xirfadaan uu bartay.

2.Xirfada labaad dhagaysiga ina dulqaad aad wax ku dhagaystid yeelatid waa lagama maarmaan, waalidiinta iyo macalimiinta wexe ka cabtaan dhagaysi la’aanta qofka bini’aanka ah dhagaysiga wuxu fahansiyaa in waxa la sheegayo uu fahmo islamarkaana uu qaado talaabo qurux badan.

3.Xirfada xirrirka qof kasta xiriir ayuu sameeyaa lakin waxaa jiro dad aan ku wanaagsaneen xiriirka ama gudbinta fariintooda marka tahay qof ku wanaagsan xiriirka waxaa yeelanaysaa dad badan oo ku dhagaysto islamarkaana ku fahmo.

4.Xirfada nadaafada waxaa macquul ah ina is tiraahdo qodobkaan maxa logu so daray, hadaba ina yeelatid xirfada naadafada waxaa inta badan lagu helaa shaqo waxaa jiro companyo raadiyo dad ku wanaagsan nadaafada.

5.Xirfada hogaaminta qof walbo waxa mooda inu leeyahay xirfadaan lakin maya aduunka wax kama dhici lahayn hadi qof walbo uu leeyahay hogaamin wanaagsan, waxaa jiro dad ku xun hogaaminta.

6.Xirfada la qabsiga ina noqotid qof wax kasta la qabsado waa muhiim waxaa jiro dad hadii meel la keeno aan la qabsan karin iyo dad markiiba la qabsanayo, tusaale qof ayaa meel shaqo ka wada bilowdeen labo bil ka dib qof ayaa la qabsan waayay qofkii kalena markiiba wuu la qabsaday.

Waxaa filaynaa ina wax ka fahantay mowduuca fadlan wixii dheeraad ah nagala soo xiriir dhacdonews1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here